Warbixin+Sawirro: AMISOM oo ballaarisay Adeegyada Caafimaad Ee Ciidankooda Kadib Markii Uu Kordhay Khasaaraha Nafeed Ee Soo Gaaraya.

Thursday December 06, 2018 - 11:33:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin+Sawirro: AMISOM oo ballaarisay Adeegyada Caafimaad Ee Ciidankooda Kadib Markii Uu Kordhay Khasaaraha Nafeed Ee Soo Gaaraya.

    Ciidamada AMISOM ee duulaanka ku jooga Soomaaliya ayaa dhawaan baahiyay warbixin ay kaga faaloonayaan qeybta caafimaadka ee AMISOM Iyo caqabadaha hortaagan howlahooda, maadaama uu aad u kordhay khasaaraha ka soo gaaraya weerarada ay kala kulmayaan ci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada AMISOM ee duulaanka ku jooga Soomaaliya ayaa dhawaan baahiyay warbixin ay kaga faaloonayaan qeybta caafimaadka ee AMISOM Iyo caqabadaha hortaagan howlahooda, maadaama uu aad u kordhay khasaaraha ka soo gaaraya weerarada ay kala kulmayaan ciidamada Xarakada Al-Shabaab.


Warbixinta oo ciwaan looga dhigay " Daryeelka caafimaad ee ciidamada ku waxyeelloobay dagaalladaā€¯ lana daawan karo muddo 14 daqiiqo ah ayaa waxaa ka soo muuqanaya dhakhaatiir kala duwan oo ka tirsan cutubka caafimaadka ee ciidamada AMISOM.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in tirada ciidamada Shisheeyaha sanadkii 2007-da ay ahaayeen 1600 oo askari, haseyeeshee 2016-kii ay gaareen in ka badan 22,000, taas oo ka dhigan in mar kasta oo ay kororto tirada ciidamada ay sii kordheyso waxyeellada kala duwan ee ku gaareysa fagaarayaasha dagaalka.


Warbixinta waxaa lagu sheegay in isbaheysiga u celcelis ahaan maalintiiba dibadda u diri jiray 10 ilaa 40 dhaawac oo aan gudaha wax looga qaban karin. hadda oo la kordhiyey adeegyada caafimaad ee howlgalkana ay maalintii celcelis ahaan dibadda u diraan 10 kiis oo dhaawacyo ah.




















Related Items