Mareykanka Oo Qiray in Ciidamadiisu ay qeyb ka ahaayeen Weerarkii Fashilmay Ee Awdheegle.

Thursday December 06, 2018 - 11:54:01 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Qiray in Ciidamadiisu ay qeyb ka ahaayeen Weerarkii Fashilmay Ee Awdheegle.

    War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ee AFRICOM loo yaqaan ayaa lagu sheegay in ciidamo American ah ay qeyb ka ahaayeen weerarkii fashilmay ee habeen hore ka dhacay degmada Awdheegle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ee AFRICOM loo yaqaan ayaa lagu sheegay in ciidamo American ah ay qeyb ka ahaayeen weerarkii fashilmay ee habeen hore ka dhacay degmada Awdheegle.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in ciidamadeeda oo caawinaya maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ay weerareen Awdheegle kadib markii ay khatar lakulmeena ay adeegsadeen duqeymo xagga cirka ah.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in duqeymaha ay geysteen diyaaradaha Drone-ka Mareykanka aysan wax khasaara ah geysan balse AFRICOM waxay ku doodeysaa in duqeynta ay ku dishay afar kamid ah ciidamada Al Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa si toosa iyo si dadban ugu lug leh duullaanka islaam ladirirka ah ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya, Americanka ayaa xasuuq aan loo meel dayin ugeysanaya dadka shacabka ah.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items