6 Qof Talyaani Ah Oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday Magaalada Ancona.

Saturday December 08, 2018 - 11:19:12 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    6 Qof Talyaani Ah Oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday Magaalada Ancona.

    Wararka ka imaanaya wadanka Talyaaniga ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay isbuurasho ka dhacday gudaha wadanka Talyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Talyaaniga ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay isbuurasho ka dhacday gudaha wadanka Talyaaniga.


Ugu yaraan 6 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen kadib markii ay isbuurteen dad ku sugnaa goob lagu caweeyo oo kutaal meel ku dhow magaalada Ancona ee dhacda bariga wadanka Talyaaniga.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in 10 qof ay si xun ugu dhaawacmeen isbuurashada ka dhacday goobta lagu caweeyo ee magaalada Ancona, goob joogayaal ayaa sheegay in mar qura ay dadku goobta ku kala carareen kadib markii ay dareemeen cabsi aad udaran markii lariday sunta dadka ka ilimeysiisa oo aad ururaysa dadkuna ay moodeen walxaha kiimika ah oo goobta lagusoo weeraray.


Goobta lagu kala yaacay meel ku dhow waxaa kuyaal xarun ay leeyihiin ciidamada gurmadka degdegga ah balse waa ay xirneed taas oo sare usii qaadday cabsida laga qabay weerar.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacay ay aad u liidato  islamarkaana laga dhigay isbitaal caafimaad, guddiga xaaladda degdegga magaalada Ancona ayaa bartiisa Twitterka ku faafiyay sawirro muujinayay wixii ka dhacay goobtii lagu caweynayay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items