Madaxweynayaasha Suudaan iyo Jabuuti Oo Itoobiya Gaaray.

Saturday December 08, 2018 - 12:20:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaasha Suudaan iyo Jabuuti Oo Itoobiya Gaaray.

    Hoggaamiyaal katirsan qaar kamid ah dowladaha geeska qaaradda Afrika ayaa isugu tagaya wadanka Itoobiya halkaas oo uu ka dhacayo shir iskaashi lagu sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaal katirsan qaar kamid ah dowladaha geeska qaaradda Afrika ayaa isugu tagaya wadanka Itoobiya halkaas oo uu ka dhacayo shir iskaashi lagu sheegay


Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Suudaan ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Jimmi ee xarunta Ismaamulka Oromada Itoobiya, Abiy Axmed iyo mas'uuliyiin kale ayaa wafdigan kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha waxaana lafilayaa in halkaas uu ka furmo shirka Qowmiyadaha Xabashida Itoobiya.

Cumar Xasan Albashiir madaxweynaha dowladda Suudaan oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Jimmi ayaa sheegay in shir iskaashi ah ay uga qeyb gelayaan dalka Itoobiya wuxuuna reja wanaag ka muujiyay in shirkan ay natiijooyin wax ku ool ah kasoo baxaan.


Ismaaciil Cumar Gelle hoggaamiyaha dowladda dabadhilifka Jabuuti ayaa isna madasha shirka ku sugan, warbaahinta afka dowladda Itoobiya ku hadasha ayaa sheegtay in socdaalka labadan madaxweyne uu qeyb ka yahay shir bishii lasoo dhaafay ay Itoobiya ku yeesheen Farmaajo, Efewarki iyo Abiy Axmed kaas oo lagu sheegay in Bariga Afrika uu yeelanyo hal dowlad iyo hal ciidan arrinkaas oo dad badan ay ufasirteen in uu yahay dabin loo dhigayo Soomaalida.

Gobolka Oromia ee shirku uu ka furmay waxaa ka socda dagaallo culus oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Oromada kadib markii ciidamada ismaamulka Oromia ay duullaan ku qaadeen deegaanno ku teedsan dhulka Somaligalbeed halkaas oo ay dad shacab ah ku gummaadeen.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items