Mas'uul Katirsan Dowladda Suudaan oo Shil Diyaaradeed ku dhintay.

Sunday December 09, 2018 - 18:54:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul Katirsan Dowladda Suudaan oo Shil Diyaaradeed ku dhintay.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay burbur diyaaradeed oo ka dhacay bariga wadanka Suudaan waxaana dadka dhintay kamid ah mas'uul dowladeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore diyaarad burburtay
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay burbur diyaaradeed oo ka dhacay bariga wadanka Suudaan waxaana dadka dhintay kamid ah mas'uul dowladeed.


Wararka ka imaanaya Suudaan ayaa xaqiijinaya in diyaarad rakaab ah ay ku dhacday deegaanka Alqalaabaat oo ku dhow xuduudda ay Itoobiya la wadaagto Suudaan.

Mubaarak Alnuur oo kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Suudaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in 5 qof oo uu kamid yahay guddoomiyihii gobolka Alqadaariif.

Wararka ayaa intaas ku daraya in goobta diyaaraddu ku dhacday ay gaareen gaadiidka caafimaadka si ay halkaas ugasoo daad gureeyaan dadkii ka badbaaday shilka diyaaradeed, warar horay usoo baxay ayaa sheegaya in rakaabka diyaaradda ay gaarayeen 11 qof waxaana badbaaday 6 qof.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items