Abuu Cubeyda Oo Saxiixay Howlgalkii Lagu Dilay Cabdi Wali Cilmi Ninkii Nabinimada Sheegtay iyo magaca Katiibada Fulisay.

Monday December 10, 2018 - 19:19:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abuu Cubeyda Oo Saxiixay Howlgalkii Lagu Dilay Cabdi Wali Cilmi Ninkii Nabinimada Sheegtay iyo magaca Katiibada Fulisay.

    Markii ugu horraysay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa bixisay xog dheeri ah oo ku saabsan qaabkii loo agaasimay weerarkii bishii lasoo dhaafay lagu dilay Ninkii Nabinimada sheegtay ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore magaalada Gaalkacyo
Markii ugu horraysay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa bixisay xog dheeri ah oo ku saabsan qaabkii loo agaasimay weerarkii bishii lasoo dhaafay lagu dilay Ninkii Nabinimada sheegtay ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Warbixin lagasii daayay idaacadda Andalus ayaa lagu sheegay in Sheekh Abuu Cubeyda oo ah Amiirka Al Shabaab uu qalinka ku duugay howlgalkii lagu dilay Cabdi Wali Cilmi Yare kadib markii uu u gefay Nabigeena maqaama sare leh ee Muxa'med صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ.

Xogta ay Faafisay ayaa intaas ku daraysa in howlgalka oo aad loosoo qorsheeyay ay fulisay Katiibada dilalka qorshaysan ee qaabilsan ee lagu magacaabo [Max'med Bin Maslamah] oo Al Shabaab ay sanado ka hor dhistay.


Muhiimadda uu howlgalkan lahaa iyo sida sugan ee uu udhacay ayaa muujinaysay in hoggaanka sare ee Al Shabaab ay si heer sare ah usoo qorsheeyaan waana arrin dhif iyo naadir ah in la shaaciyo xog ku saabsan howlgallada uu saxiixo Sheekh Abuu Cubeyda.

Howlgalkii lagu dilay Cabdi Wali Cilmi oo Nabinimo sheegtay islamarkaana Aflagaadeeyay Nabiga صَلَّى اللّٰهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ayaa soo dhoweyn iyo hambalyo kala kulmay malaayiin qof Soomaali ah oo kunool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items