Ansaaru-Shareeca oo iska difaacday xamlo ay kusoo qaadeen malleeshiyaad daacad u ah Imaaraadka.

Tuesday December 11, 2018 - 08:58:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ansaaru-Shareeca oo iska difaacday xamlo ay kusoo qaadeen malleeshiyaad daacad u ah Imaaraadka.

    Wararka ka imaanaya wadanka Yaman ee Jaziiratul-Carab ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamo katirsan Mujaahidiinta Ansaaru-Shareeca iyo malleeshiyaad daacad u ah Imaaraadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Yaman ee Jaziiratul-Carab ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal dhexmaray ciidamo katirsan Mujaahidiinta Ansaaru-Shareeca iyo malleeshiyaad daacad u ah Imaaraadka.


Dagaalka ayaa yimid, kadib markii malleeshiyaad katirsan Xizaamul Amniga oo taabacsan Imaaraadka ay soo weerareen deegaanno ay Mujaahidiiintu kaga suganyihiin gobolka Abyan ee koonfurta wadanka Yaman.

Malleeshiyaadka Xizaamul-Amniga ayaa soo weeraray deegaanka Fadhxaan oo hoostaga mandiqadda Muuddiyah ee gobolka Abyan, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan Mujaahidiinta, waxaana dagaalka uu qaatay dhowr saacadood oo xiriir ah.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa ku guuleystay iney dilaan dhowr askari oo katirsan malleeshiyaadka Xizaamul-Amniga, iyagoona ka gubay ugu yaraan labo gaari oo noocyada dagaalka ah.



War kooban oo kasoo baxay Ansaaru-Shareeca laguna faafiyay Internetka ayaa lagu xaqiijiyay in Mujaahidiintu iska difaaceen xamaladii lagu soo qaaday, islamarkaana malleeshiyaadka Xizaamul Amniga ay dib u carareen.

Dalka Yaman, ayaa waxaa ka howlgala malleeshiyaad ka amar qaata Imaaraadka, kuwaas oo isku dayaya iney dhibaatadooda ku faafiyaan gobollada koonfurta Yaman, balse waxaa ku hor gudban ciidamada Mujaahidiinta Ansaaru-Shareeca.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items