5 Askari American ah oo ku dhintay Shil diyaaradeed oo ka dhacay Japan.

Tuesday December 11, 2018 - 17:26:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 Askari American ah oo ku dhintay Shil diyaaradeed oo ka dhacay Japan.

    Khasaara nafeed iyo mid maaliyadeed ayaa ka dhashay shilal diyaaradeed oo ciidanka Mareykanka ku qabsaday gudaha wadanka Japan ee dhaca qaaradda Asia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara nafeed iyo mid maaliyadeed ayaa ka dhashay shilal diyaaradeed oo ciidanka Mareykanka ku qabsaday gudaha wadanka Japan ee dhaca qaaradda Asia.


Ugu yaraan 5 askari American ah ayaa dhimatay kadib markii ay isku dhaceen laba diyaaradood xilli ay ku dul heehaabayeen xeebaha wadanka Japan, shilkan oo dhacay khamiistii lasoo dhaafay ayaa lagu waayay 7 askari American ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in ay isku dhaceen laba diyaaradood xilli ah hawada Japan shidaal isku siinayeen waxaana ka dhashay khasaara lixaad leh, diyaarad nuuceedu yahay F18 iyo diyaarad booyad ah nuuca Mareykanku farsameeyo ee C130 ayaa iskula dhacay hawada xilli uu socday howlgal shidaal siin ah.



Taliska ciidamada Marines-ka Mareykanka wuxuu xaqiijiyay in labada diyaaradood ay isku dhaceen xilli ay diyaaradda C130 ay hawada shidaal kusiinaysay diyaarad dagaal oo nuuceedu yahay F18, Meydadka 5 askari ayaa lagasoo helay badda gunteeda kadib howlgal gurmad ah oo si wadajir ah ay sameeyeen ciidamada Japan iyo kuwa USA.

lama sheegin masiirka 2 askari oo kamid ahaa 7 askari oo lagu waayay shilkii dhacay khamiistii lasoo dhaafay waxaana loo badinayaa in lasoo badbaadiyay labadaasi askari

Related Items