Taliban oo diyaarad dagaal kusoo Ridday Wadanka Afghanistan.

Wednesday December 12, 2018 - 21:39:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo diyaarad dagaal kusoo Ridday Wadanka Afghanistan.

    Xoogaga jihaadiga Taliban ayaa dhulka soo dhigay diyaarad dagaal oo ay laheyd xukuumadda dabadhilifka ah ee kajirta wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga jihaadiga Taliban ayaa dhulka soo dhigay diyaarad dagaal oo ay laheyd xukuumadda dabadhilifka ah ee kajirta wadanka Afghanistan.


Wararka ka imaanaya gobolka Faariyaab ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta Taliban ay gantaal la heleen diyaarad dagaal oo ay la socdeen askar iyo saraakiil katirsan melleteriga Xukuumadda Kaabuul.

Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo kamid ah mas'uuliyiinta Imaarada Islaamiga ah ayaa xaqiijiyay in diyaarad helicopter ah ay kusoo dhacday deegaanka Bashtuuk Koot kadib markii dagaalyahanada imaarada ay dhulka ka toogteen.

Taliban waxay sheegtay in dhammaan wixii diyaaradda saarnaa ay dhinteen ayn ciidamadoodu ku suganyihiin goobta diyaaraddu kusoo dhacday, waa guul darro kale oo melleteriga xukuumadda dabadhilifka Afghanistan kasoo gaaray dagaalka 17 sana jirsaday ee wadankaasi ka socda tan iyo sanaddii 2001 xilligaas oo Mareykanka iyo xulufadiisa ay duullaan islaam ladirir ah ku qaadeen mandiqadda.

Related Items