Dowladda Qadar Oo Bixinaysa Lacago Lagu kala furfurayo Mooshinka ka dhanka ah Farmaajo.

Sunday December 16, 2018 - 10:29:08 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Qadar Oo Bixinaysa Lacago Lagu kala furfurayo Mooshinka ka dhanka ah Farmaajo.

    Xilli uu cirka iskusii shareerayo khilaafka u dhaxeeya hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu khilaafkaas dabada lagalay dowlado shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli uu cirka iskusii shareerayo khilaafka u dhaxeeya hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu khilaafkaas dabada lagalay dowlado shisheeye.

Mooshinka ka dhanka ah Max'med Cabdullaahi Farmaajo madaxweynaha dowladda Federaalka qarashka ku baxaya waxaa bixisay mid kamida dowladaha khaliijka ee qeybta ka ah isbaheysiga hareeraynta kusoo rogay dowladda Qadar.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Imaaraatka Carabta ay tahay maskaxda ka dambeysa mooshinka si meesha looga saaro Farmaajo iyo Kheyre oo dabadhilifyo u ah dowladda Qadar.

Si wakiillada dowladda Qadar ee Soomaaliya loo badbaadiyo ayuu Tamiim Bin Xamad Amiirka Qadar wuxuu kulan layeeshay Xasan Cali Kheyre waxaana lafilayaa in xukuumadda Dooxa ay bixiso qarashkii lagu kala furfuri lahaa mooshinka ka yaal Farmaajo.


Isku dayga dowladda Imaaraatka ay ku doonayso in ay ku riddo nidaamka Farmaajo ayaa markaan ka xoog badan isku dayadii hore waxayna heysataa mas'uuliyiin dowladda katirsan oo gilgili kara siyaasadda Villa Somalia.

Dhammaan dowladihii Federaalka ee soo maray Soomaaliya ayaa dhammaantood dabadhilifyo u ahaa dowlado shisheeye kuwaas oo marwalba isku adeegsada isla lacagaha ay shisheeyaha ka qaataan.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items