Xabad Joojintii Magaalada Al Xudeyda oo Fashilantay Kadib Markii ay dagaallo culus dib uga qarxeen.

Tuesday December 18, 2018 - 10:18:30 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabad Joojintii Magaalada Al Xudeyda oo Fashilantay Kadib Markii ay dagaallo culus dib uga qarxeen.

    Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen magaalada Dekadda leh ee Al Xudeyda oo muddo ku dow sanad ay loollanno Melleteri ka socdaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen magaalada Dekadda leh ee Al Xudeyda oo muddo ku dow sanad ay loollanno Melleteri ka socdaan.

Wariyaal ku sugan wadanka Yemen ayaa warbaahinta u sheegay in dhinacyada hubeysan ay jebiyeen heshiiskii Xabad joojinta ahaa ee khamiistii lasoo dhaafay lagu kala saxiixday wadanka Sweden.

Dagaallo u dhaxeeya maleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo ciidamada isbaheysiga carabta ayaa saaka aroortii hore ka qarxay dhowr xaafadood oo kamid ah magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ka hor intii aysan dhaqan gelin xabad joojinta ay dhinacyadu billaabeen hardan melleteri, jimcihii lasoo dhaafay ayaa loo asteeyay in xabad joojintu dhaqan gasho balse dib udhac ayaa ku yimid.


Al Xudeyda oo ah magaalada Afaraad ee ugu weyn wadanka Yemen ayna ku taal dekad caalami ah ayey gacan ku heynteeda ku loolamayaan dowladaha Taxaalafka carabta iyo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo xiriir laleh dowladda Shiicada iiraan.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items