Dowladda Itoobiya Oo Qunsul Cusub u magacaawday Maamulka 'Somaliland' Warbixin.

Wednesday December 19, 2018 - 11:12:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya Oo Qunsul Cusub u magacaawday Maamulka 'Somaliland' Warbixin.

    Markii ugu horraysay xukuumadda Xabashida itoobiya ee uu madaxda ka yahay Abiy Axmed ayaa diblumaasi cusub usoo magacaawday maamul goboleedka isku magacaabay 'Somaliland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay xukuumadda Xabashida itoobiya ee uu madaxda ka yahay Abiy Axmed ayaa diblumaasi cusub usoo magacaawday maamul goboleedka isku magacaabay 'Somaliland'.


Magacaabistan ayaa timid kadib markii bil ka hor xukuumadda Addis Ababa ay bedeshay Qunsulkii horay ufadhiyay magaalada Hargeysa oo kasoo jeeday Qowmiyadda Tigreega waxaana lagu bedelay siyaasi xubin ka ah xisbiga talada haya ee EPRDF.

Qunsulka cusub ee Itoobiya u magacowday  gobolka Waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Shamsudiin Axmed Rooble waana nin dabadhilif ah oo kasoo jeeda dhulka Soomaligalbeed ee Xabashida Itoobiya gummeysato.


Tallaabadan ay qaadday dowladda Itoobiya ayaa ah mid ay ku jebinayso heshiis ay horay ula gashay Farmaajo oo ahaa in wax macaamil diblumaasiyadeed ah aysan lasameyn doonin dhanka maamul goboleedyada sheegta in ay ka madax banaanyihiin dowladdiisa.

Dowladda Itoobiya oo kaalin weyn ku leh dhismaha maamul goboleedyada gummeysiga la shaqeeya ayaa qunsuliyado ku leh magaalooyinka Garoowe,Hargeysa iyo Kismaayo waxayna qunsuliyadahaas qabteen shaqadii safaaradda Itoobiya qaban jirtay iyagoo jawaasiista ciidameeya islamarkaana awood siiya hoggaamiyaasha maamul goboleedyada.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items