Dowladda Maraykanka oo ciidamadeeda kala baxaysa dalka Suuriya.

Thursday December 20, 2018 - 10:51:49 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Maraykanka oo ciidamadeeda kala baxaysa dalka Suuriya.

    Ciidamada Maraykanka oo kamid ah shisheeyaha duulaanka ku jooga dalka Suuriya ayaa la sheegayaa iney billaabeen ka bixitaanka dalka Suuriya, kadib sanado dhibaato iyo dil ah oo ay ku hayeen shacabka muslimka ee wadankaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Maraykanka oo kamid ah shisheeyaha duulaanka ku jooga dalka Suuriya ayaa la sheegayaa iney billaabeen ka bixitaanka dalka Suuriya, kadib sanado dhibaato iyo dil ah oo ay ku hayeen shacabka muslimka ee wadankaas.


Wasaaradda dagaalka Maraykanka ee lagu magacaabo "The PENTAGON” ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamadooda ay billaabeen iney kasoo saaraan guud ahaan dalka Suuriya.

Afahayeenad u hadashay Maraykanka waxay sheegtay iney xaqiijiyeen howshiii ay dalkaas u joogeen oo ay ku sheegtay la dagaalanka argagaxisada, waxayse intaa ku dartay in ciidamadooda oo keliya ay kala baxeen dalka Suuriya, balse xamaladooda aysan weli dhamaan.


Saraakiil la hadlay wakaaladda Rueters ayaa shaaca ka qaaday in dalka Suuriya ay sidoo kale kala bixi doonaan shaqaalaha wasaaradda arimaha dibadda Maraykanka, waxaana go’aankan uu yimid kadib wadahadal dhexmaray Turkiga iyo Maraykanka.

Ka bixitaanka Maraykanka ee Suuriya ayaa u muuqanaya mid wax badan ka bedeli kara xaaladda dalka Suuriya, marka laga fiiriyo inuu ahaa gumeyste dhib badan ka waday bariga wadanka Suuriya, halkaas oo sanooyinkii lasoo dhaafay ay ku dileen tobanaan kun oo ruux.

Dowladaha Ruushka iyo Turkiga ayaa soo dhaweeyay arintan, waxayna dowladda Ruushku sheegtay in Maraykanku hortaagnaa in xal laga gaaro xaaladda dalka Suuriya.

Turkiga ayaa isku diyaarinaya inuu qaado howlgal ballaaran oo ka dhaca bariga webiga Al-Furaat, kaas oo uu ku beegsanayo malleeshiyaadka Kurdiyiinta oo waayay saaxiib muhiim u ahaa oo ah Maraykanka.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items