Dowladda Uganda Oo Taliye Cusub usoo Magacaawday Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.

Thursday December 20, 2018 - 11:39:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Uganda Oo Taliye Cusub usoo Magacaawday Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Uganda ayaa lagu sheegay in labedelay taliyihii hoggaaminayay ciidamadooda duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Uganda ayaa lagu sheegay in labedelay taliyihii hoggaaminayay ciidamadooda duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

Jeneraal Paul Lokech oo ahaa taliyaha ciidamada Uganda ee ka dagaallamaya Koonfurta Soomaaliya ayaa shaqada laga eryay waxaana lagu bedelay Brig. Michael Kabango oo ahaa taliyaha melleteriga waqooyiga wadanka Uganda.

Paul Lokech oo ah taliyaha labedelay ayey ciidamadiisu guuldarrooyin kala kulmeen dagaalka Soomaaliya, intii uu taliyaha ahaa ayay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin cagta mariyeen saldhigyo ay gobolka Sh/hoose uga sugnaayeen ciidamada UPDF.


Dowladda Uganda oo kamid ah dowladaha ciidamadeedu duullaanka ku joogaan dalka Soomaaliya ayaa lakulmeysa dagaal dhiig bax ah kadib markii xoogaga Al Shabaab ay go'doomin kusoo rogeen magaalooyinka ciidamada UPDF qabsadeen.

Weerarada dhabbagalka ah iyo qaraxyo waddooyinka lagu aasay ayaa noqday xeelad ay joojinteeda ay ku fashilmeen dhammaan taliyaashii soo maray ciidamada Uganda ee Soomaaliya.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items