Madaxweynaha Masar oo Amray in Magaalo Walba laga dhiso Kaniisado ay leeyihiin Dadka Kirishtaanka ah.

Thursday December 20, 2018 - 18:44:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Masar oo Amray in Magaalo Walba laga dhiso Kaniisado ay leeyihiin Dadka Kirishtaanka ah.

    wadanka Masar Madaxweynaha xoogga melleteri ku qabsaday wadankaas ee Cabdi Fitaax Al Siisi ayaa amar ku bixiyay in magalo kasta oo wadankasi ku taala kaniisad laga dhiso si dadka gaalada ah ay u helaan goob ay ilaah geyrkiisa ku caabudan, isagoo ku d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

wadanka Masar Madaxweynaha xoogga melleteri ku qabsaday wadankaas ee Cabdi Fitaax Al Siisi ayaa amar ku bixiyay in magalo kasta oo wadankasi ku taala kaniisad laga dhiso si dadka gaalada ah ay u helaan goob ay ilaah geyrkiisa ku caabudan, isagoo ku dooday in qof kasta uu xaq u leeyahay in uu helo goob cibaado oo isaga u gaar ah.


Al siisi oo ka qeyb galayay Mashruuc looga magac daray "Ehelkeenna" oo lagu furayey Xaafad cusub oo ciidanka military-ga Masaaru u ka dhisayo magaalada Qaahira ayuu  wasiirka difaaca wadankaasi si kadis ah u weydiiyey "Aaway Kaniisadihii magaaladan cusub yaa Camaad", arinkaas oo dadka Masarida ah ay si aad ah ula yaabeen.

Madaxweyne Cabdi Fitaax Al Siisi ayaa amar buuxa ku siiyey wasiirka difaaca ee wadankaas ninka lagu magacabo Maxamed Zaki in kaniisad laga dhiso magaalo kasta oo cusub oo ciidanka Militaryga ay dhisayaan wuxuuna ku yiri "Muslimintana u dhisa Masaajid ay ku dukadaan, gaaladana u dhisa kaniisado ay ku cibadeystaan".


Waxaa xusid mudan in dalka Masar 90% ay dadkiisu asal ahaan kasoo jeedaan Musliminta, halka %10 ay yihiin gaalada masiixiyiinta ah ee degta dhulka Masar ee loo yaqaano Aqbadda.

Amarka uu bixiyey madaxweyne Al Siisi ee ku aaddan in magalooyinka wadankaas laga dhiso kaniisado ayaa imaanaya maalmo kadib marki Wasiirka goobaha Tariikhiga ah ee dalka Masar Khaalid Al Cinaani uu guddiga dhaqanka iyo dalxiiska baarlamaanka Masaru u ka hor sheegay in xukuumadda Qaahira ay lacag dhan 1 Billion iyo 279 Milion oo Gini ugu deeqday dib udhiska iyo dayactirka goobaha qadiimiga ah ee dadka Yuhuuda, arrinkaas oo gudaha dalka Masar ka dhaliyey caro xooggan.

Hadalada noocan ah ma ahan wax ku cusub dhagaha dalka Masar waxaana la xasuustaa in goor sii horreysay cabdi fitaax Al siisi uu magalada Sharma Sheikh ka shegay, in xukumadisu aysan fara galin ku sameyn doonin dadka iyo waxa ay caabudayaan, sidoo kalena aysan shaqadiisa ahayn qofka alle caabudaya iyo qofka caasinaya intaba, ayna mamnuuc ka tahay shaqaalaha dowladda in ay arrinkaas faragalin ku sameeyeen, isagoo ka dhawaajiyey in haddii dadka Yuhuuda ah ay ku sugnaan lahaayeen dalka Masar uu iyana u dhisi lahaa macaabid ay ilaah geyrkiisa ku caabudaan.

SomaliMeMo,Muqdisho



Related Items