Wasiirkii Difaaca Mareykanka oo iscasilay iyo Trump oo bilaabaya in uu ciidamadiisa kala baxo Afghanistan.

Friday December 21, 2018 - 10:50:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Difaaca Mareykanka oo iscasilay iyo Trump oo bilaabaya in uu ciidamadiisa kala baxo Afghanistan.

    Si lama filaan ah waxaa iscasilaad ugu dhawaaqay wasiirkii dagaalka dowladda Mareykanka oo si aad ah ay isugu dhowaayeen Donald Trump.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Si lama filaan ah waxaa iscasilaad ugu dhawaaqay wasiirkii dagaalka dowladda Mareykanka oo si aad ah ay isugu dhowaayeen Donald Trump.

Jeneraal James Mattis oo muddo ku dhow laba sanadood oo xiriir ah ahaa wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka ayaa warqaddiisa iscasilaadda u gudbiyay Trump waxaana loo sababeynayaa go'aan lama filaan hal dhinac ah oo uu madaxweynaha Mareykanka ka qaatay ciidamadiisa ku sugan Afghanistan iyo Suuriya.

Donald Trump oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa isna sheegay in uu aqbalay is casilaadda James Mattis wuxuuna caddeeyay in bisha Feberaayo ee soo socota uu jagada baneyn doono islamarkaana uu soo magacaabi doono wasiir kale.


James Mattis oo ah Howlgab Melleteri ayaa gudaha wadanka Mareykanka looga yaqaan Eyga waalan wuxuuna kamid ahaa saaxiibadii Trump xilligii doorashada sanaddii 2016.

Dhinaca kale ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta reergalbeedka in dhowaan madaxweynaha Mareykanka uu soo saari doono qaraar amraya in wadanka Afghanistan lagasoo saaro inta badan ciidamada Mareykanka.

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa mas'uuliyiin diiday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegtay in Trump uu Afghanistan kasoo saari doono 14,000 Askari American ah horraanta sanadda 2019 si ay gogol xaar ugu noqdaan soo gaba gabeynta duullaanka Mareykanka ee wadankaasi.

Dagaalka Afghanistan 00 17 sana jirsaday ayaa noqday dagaalkii ugu waqtiga dheeraa oo ciidamada Mareykanka ay abid ka galaan dibadda wuxuuna dagaalkaas Washington u horseeday fuuqbax dhaqaale iyo mid Melleteri.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items