Midowga Afrika Oo Dowladda Burundi Ku amray in ay labaxdo Kun Askari oo kamid ah Cidamadeeda ku sugan Soomaaliya.

Saturday December 22, 2018 - 14:16:48 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Afrika Oo Dowladda Burundi Ku amray in ay labaxdo Kun Askari oo kamid ah Cidamadeeda ku sugan Soomaaliya.

    Ururka Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in ladhimayo tirada ciidamada dowladda Burundi ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah soo duulayaasha isku magacaabay AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in ladhimayo tirada ciidamada dowladda Burundi ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah soo duulayaasha isku magacaabay AMISOM.

War qoraal ah oo kasoo baxay Ururka AU ee maamula duullaanka ciidamada shisheeye kusoo qaadeen Soomaaliya ayaa lagu faray dowladda Burundi in ay labaxdo illaa 1000 Askari oo kamid ah ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka ugu dambeyn 28-ka bisha Febaraayo ee 2019.

Warka kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe ballaaran oo lagu dhimayo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya illaa laga gaarayo sanadda 2020-ka waqtigaas oo lafilayo in ammaanka dalka ay ku wareejiyaan maleeshiyaadka dowladda.


Kulan ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen 30-kii bishii November 2018 guddiga isku xirka howlgallada melleteri ee Ururka Midowga Afrika ayay ku go'aamiyeen in Burundi ay labaxdo kun askari oo kamid ah ciidamadeeda.

Sanadadii lasoo dhaafay waxaa jiray khilaaf u dhaxeeyay Ururka AU iyo dowladda Burundi oo ku aaddan qarashka lasiiyo ciidamadeeda duullaanka ku jooga Soomaaliya iyo qaabka ay dowladdu ula tacaamusho kooxaha mucaaradka ku ah.

Weerar aad u qorshaysan oo horraantii sanaddan 2018 ay xoogaga Al Shabaab ciidamada Burundi kula beegsadeen duleedka degmada Balcad ee Sh/dhexe ayaa sababay dhimashada 23 askari.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items