Howllihii Xukuumadda Mareykanka Oo Hakad lageliyay Kadib Go'aankii Trump.

Saturday December 22, 2018 - 14:39:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howllihii Xukuumadda Mareykanka Oo Hakad lageliyay Kadib Go'aankii Trump.

    Waxaa shaqa joojin kujira howllihii shaqo ee xukuumadda Federaaliga Mareykanka kadib markii kuwa sharciga mareykanku uu ku dhaqmo sameeya ay diidmo adag ka muujiyeen qarashaadkii ay dowladdu ku shaqeyn laheyd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

siyaasiyiin American ah ayaa aaminsan in Trump uu qarka ka tuurayo Mareykanka
Waxaa shaqa joojin kujira howllihii shaqo ee xukuumadda Federaaliga Mareykanka kadib markii kuwa sharciga mareykanku uu ku dhaqmo sameeya ay diidmo adag ka muujiyeen qarashaadkii ay dowladdu ku shaqeyn laheyd.

Golayaasha Koongareeska iyo Senedka Mareykanka ayaa diidmo adag ka muujiyay ansixinta miisaaniyada xukuumadda taas oo keentay in uu hakad ku yimaad adeegyadii ay dowladda Mareykanka siin jirtay muwaadiniinteeda.

Donald Trump ayaa sheegay in xirnaashiyaha xukuumadda uu saameyn ku yeeshay khilaafka ka dhashay miisaaniyadda ku baxaysa dhismaha darbiga laga dhisayo  xuduudda kala qeybiya wadamada Mexico iyo Mareykanka.

Warbaahinta dowladda Mareykanka ayaa dhacdadan si aad ah u hadal heysa waxayna arrintan imaanaysaa xilli Donald Trump uu soo saaray go'aamo uu ciidamadiisa ugasoo saarayo wadamada Afghanistan iyo Suuriya.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items