Dhimashada ka dhalatay Duufaanta Tusunaami Ee Wadanka Indonesia oo gaartay 373 qof.

Monday December 24, 2018 - 17:14:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimashada ka dhalatay Duufaanta Tusunaami Ee Wadanka Indonesia oo gaartay 373 qof.

    Maamulayaasha wadanka Indonesia ayaa ku dhawaaqay in ay sare ukacday tirada dadka ku dhintay musiibadii Tusunaami ee khasaaraha badan dhalisay taas oo maalin ka hor ku dhufatay wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulayaasha wadanka Indonesia ayaa ku dhawaaqay in ay sare ukacday tirada dadka ku dhintay musiibadii Tusunaami ee khasaaraha badan dhalisay taas oo maalin ka hor ku dhufatay wadankaasi.


Guddiga Musiibooyinka dabiiciga dowladda Indonesia ayaa shir jaraa'id oo ay qabteen ku sheegay in dhimashadu gaartay 373 qof oo badankood ku dhintay Jaziiradaha Samoodrah iyo Jaawah, wararku waxay sheegayaan in lala'yahay dad ka badan 850 qof oo loo badinayo in ay dhinteen.

Kumanaan katirsan ciidamada gurmadka dowladad Indonesia ayaa la sheegay in ay ku howlanyihiin baadi goobka dad larumeysanyahay in ay ku hoos xanibanyihiin burburka dhismayaasha hoostooda.


Hirarka biyaha Badda oo si xowlli ah ku socda ayaa maasheeye dhowr degmo waxaana sii dheer Folkaano ku qarxaysay gacan biyood Soonda, dad ka badan sedax kun oo qoys ayaa la sheegay in ay isaga barakaceen guryahooda waxayna dadkaasi tiigsanayaan meelaha dhulalka kala sarreeya ah si ay uga fogaadaan fatahaad hor leh oo ay baddu sameyso.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items