Qarax Gaari Gaashaaman looga Gubay Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay deegaanka Buurane Ee Sh/dhexe.

Monday December 24, 2018 - 20:36:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari Gaashaaman looga Gubay Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay deegaanka Buurane Ee Sh/dhexe.

    Wararkan ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa shisheeyaha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkan ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay lagula beegsaday ciidamo katirsan kuwa shisheeyaha AMISOM.

Gaari nuuca gaashaaman ah ayaa ciidamada Burundi looga gubay deegaanka Buurane oo dhaca duleedka degmada Mahadaay ee Sh/dhexe sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qaraxa ayaa burburiyay gaari Taaw ah xilli uu sii gelayay saldhigga ciidamada AMISOM  ay ku leeyihiin tuulada Buurane.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga laqarxiyay oo ahaa nuuca Anteenooyinka leh uu gebi ahaantiisaba burburay waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan ciidamadii la socday.


Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah qarax lagula eegtay inta u dhaxaysa degmooyinka Bardaale iyo Baydhabo balse lama oga khasaaraha qaraxaasi kasoo gaaray.

Dhanka magaalada Kismaayo ugu yaraan laba askari ayaa ku dhaawacmay qarax lagula beegsaday xaafadda Via Afmadoow ee bartamaha magaaladaasi, xoogag hubeysan ayaa Bambaano nuuca gacanta laga tuura ah la helay ciidamada xilli ay Maandooriyaha qaadka ku cunayeen goob isku imaatin ah.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items