Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa uga digay Weeraro lagula Beegsado Soomaaliya.

Thursday December 27, 2018 - 20:23:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa uga digay Weeraro lagula Beegsado Soomaaliya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykank ayaa digniin loogu diray muwaadiniinta Americanka ah ee ku sugan Soomaaliya iyo wadamo dhaca geeska qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Mareykank ayaa digniin loogu diray muwaadiniinta Americanka ah ee ku sugan Soomaaliya iyo wadamo dhaca geeska qaaradda Afrika.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay suurtagal tahay in xoogaga Al Shabaab ay weeraro ku beegsadaan muwaadiniinta Americanka ah ee ku sugan bariga Afrika inta lagu guda jiro udabaal degga sanadka cusub ee Miilaadiga 2019.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa muwaadiniinta looga digay in ay usafraan gobollada kala duwan ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho,Hargeysa iyo magaalooyinka kale.

Sidoo kale digniinta ayaa lagu sheegay in ay jiraan warbixinno sirdoon oo sheegaya in xoogaga jihaadiga ah ee Alqaacidda ku xiran ay maleegayaan weeraro ka dhaca wadamo ay kamid yihiin Tanzaaniya iyo Kenya.


Mareykanka ayaa sanadkiiba ugu yaraan sedax jeer soo saara digniino ku socda muwaadiniintiisa waxaa xusid mudan in dowladda Mareykanka ay duqeymo bahalnimo ka geysatay Soomaaliya.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items