Ciidamada Al Shabaab Oo Cagta Mariyay Saldhigyo Melleteri oo kuyaal deegaanka Goof Guduud Buureey.

Saturday December 29, 2018 - 06:59:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Cagta Mariyay Saldhigyo Melleteri oo kuyaal deegaanka Goof Guduud Buureey.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka aroortii hore ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka aroortii hore ka dhacay deegaan kaabiga ku haya magaalada Baydhabo.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa saaka salaaddi subax kadib weerar aad u qorsheysan kula jarmaaday saldhig melleteri oo ciidamada Maamulka Koonfur galbeed ku lahaayeen deegaanka Goof Guduud Buureey oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Baydhabo.

Wariye ku sugan gobolka Bay ayaa xaqiijiyay in ciidamada Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Goof guduud Buureey iyo dhammaan saldhigyadii melleteri ee halkaasi ku yiillay.


"Ciidamada Mujaahidiinta ayaa cagta mariyay saldhig ay maleeshiyaadka Murtadiintu ku lahaayeen deegaanka Goof Gaduud Buurey oo kuyaal duleedka Baydhabo, dhimasho badan ayaa cadowga gaartay hubna waa lagasoo qaniimeystay" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab

Warar hordhac ah oo laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dhimashada ciidamada maamulka Koonfur galbeed ay gaartay 10 askari iyadoona xoogaga Al Shabaab ay qabsadeen gaadiid dagaal iyo saanado hub ah.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee uu lakulmo maamulka Koonfur galbeed isku magacaabay tan iyo markii Cabdi Caziiz Laftagareen uu noqday madaxweynaha maamulkaasi.

 
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items