Dowladda Eritrea Oo Beenisay in ay Ciidamo udirayso Soomaaliya marka ay isaga baxaan Ciidamada AMISOM.

Saturday December 29, 2018 - 06:56:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Eritrea Oo Beenisay in ay Ciidamo udirayso Soomaaliya marka ay isaga baxaan Ciidamada AMISOM.

    War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladdaa Eritrea ayaa si kulul ubeenisay warar maalmihii lasoo dhaafay ay warbaahintu isla dhaxmaraysay oo sheegayay in xukuumadda Asmara ay ciidamo usoo dirayso Soomaaliya marka lagaaro sanadda 202

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya iyo Eritrea ayaa dabin umaleegaya Soomaaliya
War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladdaa Eritrea ayaa si kulul ubeenisay warar maalmihii lasoo dhaafay ay warbaahintu isla dhaxmaraysay oo sheegayay in xukuumadda Asmara ay ciidamo usoo dirayso Soomaaliya marka lagaaro sanadda 2021.


Eritrea waxay sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwa been ah oo aan sal iyo raad laheyn waxayna faafinta ishaacaadkaas ku eedeysay shabakadda Indian Ocean oo ay ku sifeysay shabakad caan ku ah faafinta wararka beenta ah.

Wasaaradda warfaafinta Eritrea waxay sheegtay in uusan qorshaha ugu jirin in ay ciidamo udirto Soomaaliya marka ciidamada AMISOM isaga baxaan dalka bisha February ee sanadda 2021.

Inkastoo Eritrea ay beenisay in ciidamadeedu ay taageera siin doonaan dowladda Farmaajo hadane warar si aad ah layskula dhax qaadayay ayaa sheegayay in safarkii Afawarki uu ku tagay magaalada Muqdisho uu salka ku hayay sidii Asmara 5000 oo askari ugu diri laheyd Soomaaliya kuwaas oo qaab calooshood ushaqeystanimo uga barbar dagaalamaya maleeshiyaadka taakta daran ee dowladda Farmaajo.


Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa cadaawad gaamurta uqaba shacabka Soomaalida waxayna hadda wadaan qorshayaal lagu boobayo Kheyraadka dalka iyagoo usoo maraya Heshiisyo khiyaana ah oo ay lagelayaan Max'med Cabdullaahi Farmaajo.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items