Jamaacada Jihaadiga JNIM oo 19 Howlgal Ka Fulisay Sedax Wadan oo ka dhaca Galbeedka Afrika.

Monday December 31, 2018 - 18:53:12 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamaacada Jihaadiga JNIM oo 19 Howlgal Ka Fulisay Sedax Wadan oo ka dhaca Galbeedka Afrika.

    Bayaan kasoo baxay jamaacada Ugargaaridda Islaamka iyo muslimiinta ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (JNIM) ayaa lagu sheegay in mujaahidiintu 19 howlgal ka fuliyeen illaa sedax wadan oo daris ah ayna ku laayeen askar farabadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan kasoo baxay jamaacada Ugargaaridda Islaamka iyo muslimiinta ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (JNIM) ayaa lagu sheegay in mujaahidiintu 19 howlgal ka fuliyeen illaa sedax wadan oo daris ah ayna ku laayeen askar farabadan.

Howlgallada oo kala dhacay bilihi December iyo November ayaa ka dhacay wadamada kala ah Maali, Burkino Faaso iyo Niger oo kamid ah dowladaha ku bahoobay isbaheysiga Saaxilka qaaradda Africa G5.

Bayaanka oo ay faafisay mu'asasada Alzallaaqah ayaa lagu sheegay in weerarada ka dhanka ah isbaheysiga G5 iyo ciidamada Q.Midoobe ee MINUSMA ay sii socan doonaan inta ay ka joojinayaan gabood fallada ay ku hayaan muslimiinta.

Jamaacada Ugargaaridda Islaamka iyo Muslimiinta oo la aas-aasay sanaddii 2017 waxaa ku midoobay xoogagii jihaadiga ahaa ee ka dagaallamayay dhulka Saxaraha Afrika waxayna hoos tagtaa Alqaacidada Maqribul Islaami.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items