Midowga Yurub iyo Q.Midoobe Oo lasaftay Mukhtaar Rooboow digniina udiray Dowladda Farmaajo.

Tuesday January 01, 2019 - 11:29:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Yurub iyo Q.Midoobe Oo lasaftay Mukhtaar Rooboow digniina udiray Dowladda Farmaajo.

    Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa cadaadis ku saaraysa dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii dayso Mukhtaar Rooboow oo bishii lasoo dhaafay lagu xiray magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa cadaadis ku saaraysa dowladda Federaalka Soomaaliya in ay sii dayso Mukhtaar Rooboow oo bishii lasoo dhaafay lagu xiray magaalada Baydhabo.

Qoraal uu Nicholas Haysom oo ah wakiilka Q. Midoobe uqaabilsan Soomaaliya udiray hoggaanka dowladda Federaalka ayuu ku sheegay in qaabkii loo xiray Rooboow ay cara gelisay Midowga Yurub iyo waxa loogu yeero Beesha caalamka.

Wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka ay howlgallo raaf ah ka geysteen Baydhabo islamarkaana ay dileen dad ka badan 15 qof islamarkaana ay raafeen boqolaal qof oo kale.


Nicholas Haysom wuxuu xaqiijiyay in Midowga Yurub iyo dowlado ay kamid yihiin Britain,Jarmalka iyo dowlado kale ay joojiyeen dhaqaalihii ay siin jireen ciidamada Booliska dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedka.

Warka kasoo baxay Q.Midoobe ayaa handadaad loogu diray xukuumadda Kheyre taas oo ku aaddan in taageerada laga joojin doono haddii aysan u hoggaansamin xeerarka udeggan Q.Midoobe.

Sidoo kale Nicholas Haysom ayaa taliyaha ciidamada Itoobiya ee magaalada Baydhabo ku eedeeyay in faragelin siyaasadeed ay sameeyeen markii ay howlgal dhiig ku daatay kusoo qabteen Roobow waloow markii dambe ay ugacan geliyeen ciidamo lagasoo diray magaalada Muqdisho.

Ujeedka ugu weyn ee xariga Mukhtaar Roobow ayaa aheyd in doorashadii magaalada Baydhabo laga reebo si uusan wax ciriiri ah udareemin Cabdi Caziiz Lafta gareen oo ahaa musharaxii ay Villa Somalia wadatay islamarkaana loo caleema saaray madaxweynaha maamulk maqaarsaarka Koonfur galbeed isku magacaabay.

Warkan kasoo baxay Nicholas Haysom oo ah xaakimka rasmiga ah ee Soomaaliya ayaa banaanka soo dhigaya sida dowladaha reergalbeedka ula dhacsanyihiin Mukhtaar Rooboow oo sanaddii 2017 isku dhiibay ciidamada Xabashida Itoobiya ee degmada Xudur ayaa markii dambe isku sharraxay madaxtinimada maamulka Baydhabo wuxuuna saraakiil American ah kula heshiiyay ladagaallanka Xarakada Al Shabaab.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items