Weerar Gaadiid looga Gubay Ciidamada Kenya Oo Ka Dhacay Duleedka degmada Dhoobleey.

Tuesday January 01, 2019 - 13:15:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar Gaadiid looga Gubay Ciidamada Kenya Oo Ka Dhacay Duleedka degmada Dhoobleey.

    Ciidamada gummeysiga Kenya ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa markale weerar kala kulmaya xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore gaari ciidanka Kenya looga gubay NFD
Ciidamada gummeysiga Kenya ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa markale weerar kala kulmaya xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.


Wararka nagasoo gaaraya gobolka Jubabda Hoose ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan  Al-Shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen kolonyo ciidamo Kenyaati ah oo ku socdaalayey wadada u dhexeysa deegaannada Qooqaani iyo Taabto oo katirsan gobolkaasi.

Ilo wareedyo ayaa  sheegaya in kolonyada lagu beegsaday weerar ku bilowday qarax miino oo aad u xoogan, ka dibna uu xigay dagaal toos ah oo faraha la isula tagay.


Saraakiil u hadlay Xarakada  Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in kamiinka lagu gubay gaari Taw ah, kaas oo lala helay qarax miino oo ku diyaarsanaa wadada, halka mid kalena ay soo gaartay waxyeelo xooggan kadib markii lagu dhuftay gantaal RPG ah.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo soo gaaray ciidamada Kenya balse lama hayo tiro cayiman oo ku aadan khasaaraha rasmiga ee ka dhashay weerarkaasi.

Kolonyada la weeraray ayaa ka soo baxday dhanka deegaanka Dhoobleey ee dhaca xad beenaadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya, waxaana ay ku sii jeedeen dhanka degmada Afmadoow sida ay ilo wareedyo u sheegeen shabakada SomaliMeMo.

Kolonyada ayaa hadda ku hakatay halkii lagu weeraray waxaana ay ka cabsi qabaan in ay la kulmaan weeraro dheeraad ah ka hor inta aysan gaarin halka ay ku sii socdaan.

Related Items