Al Shabaab Oo Madaafiic Ku Weerartay Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Tuesday January 01, 2019 - 14:03:48 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Madaafiic Ku Weerartay Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

    War goordhow ku soo dhacay warqabadka Shabakada SomaliMeMo ayaa sheegaya in madaafiic xoogan lagu weeraray Xerada Xalane oo saldhigga ugu weyn ee ciidamada Shisheeye ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War goordhow ku soo dhacay warqabadka Shabakada SomaliMeMo ayaa sheegaya in madaafiic xoogan lagu weeraray Xerada Xalane oo saldhigga ugu weyn ee ciidamada Shisheeye ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.


Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Xarakada  Al-Shabaab ayaa baahisay 'in guutada Madaafiicda ee Mujaahidiinta' ay maanta weerar xooggan ku beegsatay Xerada Xalane islamarkaana uu halkaas ka dhashay khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada soo duulayaasha AMISOM iyo shaqaalaha Q.Midoobe ee halkaas ku sugan.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda u sheegay in 7 gantaal lagu dhuftay Xerada Islamarkaana ay dhamaantood  ku dhaceen gudaha Xerada Xalane.


Dad goob joogeyaal ah ayaa warbaahinta usheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic ku hoobaneysa gudaha xerada iyo Uuro ka baxeysa qaar ka mid ah dhismooyinka ku yaalla gudaha xeradaasi Xalane.

illaa hadda lama hayo khasaare rasmi ah oo ka dhashay duqeyntaas balse waxaa lasoo sheegayaa in khasaare nafeed iyo mid maadi uu soo gaaray ciidamada Shisheeye.

Xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ay ciidamada Shisheeye ku leeyihiin wadanka ayaa waxaa safaarado ku leh dowladaha reergalbeedka halka sidoo kalena ay talisyo ciidan ku leeyihiin ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items