Sawirro: Q.Midoobe Oo Xaqiijisay in Al Shabaab ay Madaafiic Ku Weerartay Xarunteeda Xalane.

Tuesday January 01, 2019 - 20:34:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Q.Midoobe Oo Xaqiijisay in Al Shabaab ay Madaafiic Ku Weerartay Xarunteeda Xalane.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic xooggan oo ciidamada Al Shabaab ay maanta ku weerareen xarunta Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic xooggan oo ciidamada Al Shabaab ay maanta ku weerareen xarunta Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

Madaafiicda oo gaarayay  illaa iyo 7 ayaa haleelay dhammaan bartilmaameedyadii lala rabay waxayna ku dhaceen xarumo muhiim ah oo Q.Midoobe iyo saraakiisha AMISOM ku lahaayeen gudaha xerada Xalane.

Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan Soomaaliya ninka lagu magacaabo Nicholas Haysom ayaa war uu soo saaray ku xaqiijiyay in xaruntooda maanta lagusoo qaaday weerar madaafiic ah oo khasaara dhaliyay.

Wuxuu sheegay in sedax kamid ah shaqaalaha UN-ka ay ku dhaawacmeen madaafiicdii maanta oo 2 kamid ah ay yihiin shaqaale iyo qandaraasle caddaan ah.


Nicholas Haysom ayaa walaac ka muujiyay ammaanka shaqaalaha Q.Midoobe isagoo si kulul u cambaareeyay weerarka madaafiicda ah ee maanta lagusoo qaaday.

"weerarkii maanta lagusoo qaaday xarunta weyn ee Q.Midoobe ku leedahay magaalada Muqdisho waa mid gardarra ah oo jebinaya xeerarka caalamiga ah" sidaas waxaa yiri Ergayga Q.Midoobe ee Soomaaliya.

Q.Midoobe waxay qirtay in dhammaan Madaafiicdii lagu weeraray xaruntooda oo gaarayay 7 madfac ay ku gudaha Xalane ku dhaceen arrinkaas oo waafaqsan warkii maanta kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Dhinaca kale taliska ciidamada shisheeyaha AMISOM oo ka hadlay weerarkii maanta Xalane ka dhacay ayaa isku dayay in uu qariyo khasaaraha ka dhashay weerarka.

AMISOM waxay sheegtay in madaafiicda Xalane lagu weeraray loo waday dhanka garoonka diyaaradaha Muqdisho balse lala hareeri maray!, arrinkaas oo muujinaya sida ay uga argagaxeen weerarkii maanta.





Related Items