Al Shabaab oo soo dhoweysay 13 Askari oo ka goostay ciidamada Dowladda ee gobolka Gedo.

Wednesday January 02, 2019 - 17:08:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab oo soo dhoweysay 13 Askari oo ka goostay ciidamada Dowladda ee gobolka Gedo.

    Tobaneeyo katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku dhiibay maamul islaami ah oo taabacsan Xarakada Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Towbadkeenayaal hore oo Jilib lagu soo bandhigay.
Tobaneeyo katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku dhiibay maamul islaami ah oo taabacsan Xarakada Al Shabaab.



Magaalada Ceel-cadde ee gobolka Gedo waxaa lagu soo bandhigay 13 askari oo horay uga tirsanaa maamulka isku magacaabay Jubbaland kuwaas oo kasoo goostay maamulka iskuna soo dhiibay Al Shabaab.

Tirada askarta towbad keenayaasha ah oo si jamaaci ah ugaaray magaalada Ceel cadde ayuu askari walba uu layimid hubkiisa oo dhameystiran.

Askartan oo towbada loogu qabtay maxkamadda islaamiga wilaayada Gedo ayaa ka sheekeeyay dhibaatada ay ciidamada gummeysiga Itoobiya ku hayaan shacabka ku dhaqan magaalooyinka ugu waaweyn gobolka sida Garbahaareey iyo Baardheere.



Askari walba wuxuu garwaaxsanaa xilligii lasoo bandhigayay qori AK47 ah iyo booshkiisa waxayna sheegeen in ay ku faraxsanyihiin sida heerka sare ah ee loosoo dhoweeyay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in askarta baxsadka ah hubkooda loo lacageeyay ayna shacabkooda dhinac ka raaceen, qaar kamid ah ciidamada isdhiibay oo warbaahinta lahadlayay ayaa sheegay in ay ka baxeen kadeedkii ay kujireen ayna ubillaabatay nolol waasac ah.

Maamulka Jubbaland ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxa kasoo tagayay ciidamo aad u farabadan, kuwaas oo isku soo dhiibayay maamullada islaamiga ee wilaayaadka Jubbooyinka iyo Gedo.

Related Items