Guterres Oo Walaac Ka Muujiyay Ammaanka Shaqaalaha UN-ka ee Soomaaliya Kadib Weerarkii Madaafiicda ee Xerada Xalane.

Wednesday January 02, 2019 - 17:53:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guterres Oo Walaac Ka Muujiyay Ammaanka Shaqaalaha UN-ka ee Soomaaliya Kadib Weerarkii Madaafiicda ee Xerada Xalane.

    Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa walaac ka muujisay ammaanka shaqaalaheeda ka howlgala dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa walaac ka muujisay ammaanka shaqaalaheeda ka howlgala dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


War rasmi ah oo kasoo baxay Antonio Guterres oo ah xoghayaha guud ee Q.Midoobay ayuu ku sheegay in uu ka walaacsanyahay xaaladda ay ku suganyihiin shaqaalihiisa magaalada Muqdisho saacado yar uun kadib markii ay ciidamada Al Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen xarunta UN-ka ee kutaal gudaha xerada Xalane.

"aad baan uga walaacsanahay weerarkii khasaaraha dhaliyay ee lagu qaaday xarunta UN-ka ee magaalada Muqdisho, waa weerar xadgudub ku ah xuquuqda Bani'aadamka" ayuu yiri Antonio Guterres .


Wuxuu qiray in 7 madfac lala helay xarunta UN-ka ee xerada Xalane ay ku dhaawacmeen laba shaqaale islamarkaana madaafiicdu ay burbur ugeysteen dhismaha ugu weyn ee Q.Midoobe ku leedahay Soomaaliya.

Antonio Guterres ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka in ay cadaaladda horkeenaan dagaalyahannadii Al Shabaab ee fuliyay weerarkii shalay oo sida muuqata qalqal dhanka amniga iyo siyaasadda ka abuuray Xerada Xalane iyo Villa Somalia.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items