Saraakiil lagu dilay degmada Hodon iyo Weerar Ka Dhacay Suuq Bacaad.

Thursday January 03, 2019 - 11:05:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil lagu dilay degmada Hodon iyo Weerar Ka Dhacay Suuq Bacaad.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Xoogag hubeysan ayaa xalay xaafadda Shiirkole ee degmada Hodon ku dilay sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda oo magaciisa lagusoo gaabiyay Cabdi Qaxooti.

Sidoo kale sarkaal kale oo katirsan ciidamada Booliska ayaa lagu dilay isgoyska Black Sea ee degmada Hodon sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Weerar kale oo xalay ka dhacay afaafka hore ee Laanta Suuq Bacaad ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamo katirsan dowladda Federaalka.


Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in xoogag hubeysan ay Bambaano laheleen gaari Cabdi Bile ah xilli uu kasoo baxayay Laanta Yaaqshiid ee xaafadda Suuq Bacaad.

Dhammaan mas'uuliyadda weeraradan ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa sheegatay Xarakada Al Shabaab sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items