Ciidamada Dowladda Oo Wiil Dhalinyara ah ku dilay Magaalada Marka.

Thursday January 03, 2019 - 11:30:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda Oo Wiil Dhalinyara ah ku dilay Magaalada Marka.

    Maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee ku sugan magaalada Marka xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sare uqaaday xadgudubyada ay ugeysanayaan dadka shacabka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee ku sugan magaalada Marka xarunta gobolka Sh/hoose ayaa sare uqaaday xadgudubyada ay ugeysanayaan dadka shacabka ah.

Wararka ka imaanaya Marka ayaa sheegaya in maanta barqadii ay ciidamada dowladdu toogteen wiil dhalinyara ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Cali kaasi oo kamid ahaa gaadiidleyda Sh/Hoose.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada dilka geystay ay darawalka la toogtay ka dalbadeen lacago baad ah kadib markii uu ka dhega adeygana ay rasaas huwiyeen.

Ehellada wiilka ladilay oo 19 sana jir ah ayaa sheegay in ay layaabeen sida naxariis la'aanta ah ee ciidamada dowladda ula dhaqmeen wiilkooda, maalmihii lasoo dhaafay dilal iyo kufsi aan kala joogsi laheyn ayay ciidamada dowladda Farmaajo ka geysanayeen magaalada Marka.



SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items