Dadka Reer Galbeedka oo Baqdaad Ka Firxanaya iyo Mujaahidiinta ISIS oo Magaalooyin Qabsaday.

Saturday June 14, 2014 - 14:25:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 6
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dadka Reer Galbeedka oo Baqdaad Ka Firxanaya iyo Mujaahidiinta ISIS oo Magaalooyin Qabsaday.

    Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in tobaneeyo shirkado calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah ay bilaabeen in ay ka firxadaan magaalada Baqdaad kadib markii dagaaladu kusoo dhawaadeen magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka ISIS oo ku sugan magaalada Falluuja.
Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in tobaneeyo shirkado calooshood u shaqeystayaal Mareykan ah ay bilaabeen in ay ka firxadaan magaalada Baqdaad kadib markii dagaaladu kusoo dhawaadeen magaalada. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in boqolaal kamid ah shaqaalaheeda laga saaray Baqdaad si looga feejignaado weeraro kaga yimaad mujaahidiinta ISIS.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in shirkado ay kamid tahay Blac Watter iyo shirkad kale oo dhanka ammaanka kala shaqeynaysay dowladda Almaaliki ay ka baxeen ciraaq.

wasiir ku xigaanka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda dadbadhilifka Ciraaq ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhammaan shirkadaha ammaanka mareykanka ay faarujiyeen ciraaq sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay.


Saldhig ay shirkad Mareykan ah ku laheyd duleedka magaalada Tikriit waxaa lawareegay ciidamada mujaahidiinta dowladda islaamiga ah oo arbacadii lasoo dhaafay si lama filaan ah magaalada ku qabsaday.

dowladaha Jarmalka,Faransiiska,Australia iyo baxreyn ayaa iyana ku dhawaaqay in muwaadiniintooda ay ka daadgureynayaan Baqdaad.

Waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa iyana soo saartay digniin ku wajahan dhammaan shaqaalaheeda ciraaq in ay u safraan magaalooyinka iyo gobolada ay maamulaan mujaahidiinta ISIS.

Dhinaca kale ciidamada mujaahidiinta dowladda islaamiga ah ayaa wali sii wada qabsashada deegaanno hor leh oo dhaca duleedka magaalada Baqdaad.

Shabakadda Aljazeera ayaa baahisay in ciidamad mujaahidiinta ISIS qabsadeen magaalada Alcadiim iyo dhammaan tuulooyinka hoos yimaad waxayna degmadani katirsantahay gobolka salaaxudiin.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dagaallo culus ka socdaan mandiqadda Banii Zubeyd oo 25 KM ujirta magaalada Baqdaad xarunta wadankaasi.

Dhanka jabhadda magaalada Samaara ayaa xaalad deganaan ah lagasoo sheegayaa ciidamada shiicada almaaliki ayaa hakad geliyay horumar ay mujaahidiintu maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ka wadeen iyagoona si adag isaga difaacay mujaahidiinta.

Dhinaca kale 100 askari oo katirsan ciidamada cadawga ayaa lagu dilay camaliyad istishhaadi ah oo ka dhacday deegaanka alsaqlaawiyah duleedka magaalada falluuja.

Related Items