Qarax Gaari looga gubay Ciidamada Uganda oo ka dhacay duleedka degmada Buula Mareer.

Thursday January 03, 2019 - 17:34:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari looga gubay Ciidamada Uganda oo ka dhacay duleedka degmada Buula Mareer.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray weerar lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray weerar lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Buula Mareer ayaa sheegaya in qarax miino lala helay gaari gaashaaman oo qeyb ka ahaa kolonyo ay la socdeen melleteriga dowladda Uganda oo ku socdaalayay duleedka degmadaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in gaari gaashaaman lagu gubay qaraxa waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamadii gaariiga la socday, qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada  Golweyn iyo Danaaw oo kaabiga ku haya degmada Buula Mareer.

ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa qaraxyo iyo weeraro dhabbagal ah kala kulma ciidamada shisheeyaha AMISOM marka ay ku socdaalayaan waddooyinka gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items