Taliban oo soo Bandhigtay Tirada Howlgalladii ay Afghanistan ka fulisay sanaddii 2018 [Warbixin].

Thursday January 03, 2019 - 22:25:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Taliban oo soo Bandhigtay Tirada Howlgalladii ay Afghanistan ka fulisay sanaddii 2018 [Warbixin].

    Dagaalka jihaadka ah ee ka socda wadanka Afghanistan ayaa guulo waaweyn soo hooyay kadib markii ay mujaahidiintu qaadeen weeraro aad loogu xanuujiyay cadowga kuwaas oo saameyn ku yeeshay soo duulayaasha NATO ee isugu jira Americanka iyo kuwa reer Yur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalka jihaadka ah ee ka socda wadanka Afghanistan ayaa guulo waaweyn soo hooyay kadib markii ay mujaahidiintu qaadeen weeraro aad loogu xanuujiyay cadowga kuwaas oo saameyn ku yeeshay soo duulayaasha NATO ee isugu jira Americanka iyo kuwa reer Yurub ee dhammaantood xulufo saliibiyiinta ah.


Sanaddii lasoo dhaafay ee 2018 ayaa aheyd sanaddii ugu furashada baneed ee xoogag imaarada islaamiga Afghanistan ay ka sameeyaan wadanka tan iyo markii ay ciidamada Mareykanka iyo xulufadooda ay qabsadeen wadanka sanaddii 2001.

Warbixin tirakoob ah islamarkaana wadatay caddeymo ayaa kasoo baxday imaarada islaamiga ah waxaana lagusoo bandhigay camaliyaadkii mujaahidiintu ka fuliyeen wadanka sanaddii lasoo dhaafay, tirada askarta mareykanka iyo kuwa xukuumadda Afghanistan laga dilay iyo sidoo kale inta degmo iyo magaalo ee mujaahidiinta imaarada islaamka ah cadowga ka furteen.



Ugu horrayn warbixinta ayaa lagu sheegay in sanaddii lasoo dhaafay ay fashil iyo guul darro u aheyd madaxweynaha Mareykanka hoggaamiya ee Donald Trump marka loo eego istiraatiijiyadiisa Afghanistan, bishii Jannaayo ee billaawgii sanaddii lasoo dhaafay ayuu mareykanku dagaalka Afghanistan ku furfurtay duqeymo indha la'aan ah oo aan loo meeldayin oo ay barbar socdeen howlgallo melleteri iyo ishaacaad balse mujaahidiinta ayaa calool adeyg iyo geesinimo dheeraad ah kala hortagay.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in ciidamada mujaahidiintu ay fashiliyeen qorshihiin Trump ayna ku qasbeen in uu wax ka bedelo istiraatiijiyadda Afghanistan.

warbixinta oo badankii ah mid arqaam ah loogusoo gudbiyay khasaaraha cadowga gaaray iyo howlgallada mujaahidiinta ayaa lagu faafiyay warbaahinta rasmiga ah ee mujaahidiinta imaarada islaamiga ah Afghanistan.

howlgallada ay mujaahidiintu afghanistan ka fuliyeen tiradoodu waa 10638 howlgal oo lagu beegsaday ciidamada NATO iyo kuwa xukuumadda dabadhilifka Kaabuul, camaliyaadkaas 31 kamid waa istish-haadiyo ay fuliyeen naftood hurayaal.

Askarta NATO ee sanddii lasoo dhaafay Afghanistan lagu dilay tiradoodu waa 249 askari waxaana ubadan ciidamo American ah halka 153 askari ay dhaawacmeen.

khasaaraha ugu badan wuxuu howlgallada xoogaggaTaliban kasoo gaaray ciidamada xukuumadda kaabuul oo sanad gudihiis laga dilay 22594 askari, ciidamadaas ayaa isugu jira,boolis,kumaandoos,sirdoon iyo canaasir maleeshiyaad ah oo dhammaantood dowladda dabadhilifka Afghanistan udiiwaangashan, dhaawaca ciidamada afghanistaaniyiinta ah ayay Taliban ku sheegtay in ay gaarayaan 14063 askari.

Gaadiidka gaashaaman ee mujaahidiintaTaliban ay cadowga ka gubeen sanaddii lasoo dhaafay 2018 ayaa gaaraysa 3613 gaari kuwa gaashaaman ee Hoomfiiga loo yaqaan iyo sidoo kale nuucyada Ranjarka iyo aalado kale oo reergalbeedku ay Afghanistan geeyeen si muslimiinta loogula dagaallamo.

ciidamada qaabilsan difaaca cirka mujaahidiinta ayaa kaalin libaax leh ka qaadanaya dagaalka waxaana usuurtagashay in 12 bilood gudahood ay dhulka soo dhigaan 26 diyaaradood oo 8 kamida ay ahaayeen kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaan sidoo kale 17 diyaaradood nuuca Helicopters-ka ayaa lasoo riday oo qaarkood ay ahaayeen kuwa ciidamada xambaara ee casriga ah.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items