Ciidamo Mareykan iyo Bangaraaf ah oo Markale ku Hungoobay in ay qabsadaan degmada Awdheegle.

Friday January 04, 2019 - 20:29:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Mareykan iyo Bangaraaf ah oo Markale ku Hungoobay in ay qabsadaan degmada Awdheegle.

    Ciidamo huwan ah ayaa markale ku fashilmay isku day ay ku doonayeen in ay ku qabsadeen mid kamida degmooyinka gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo huwan ah ayaa markale ku fashilmay isku day ay ku doonayeen in ay ku qabsadeen mid kamida degmooyinka gobolka Sh/hoose.

Wararka ka imaanaya degmada Awdheegle ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay saqdii dhexe ku dhaxmareen ciidamada Al Shabaab  iyo kuwa soo duulayaasha Mareykanka oo ay la socdeen maleeshiyaad dabadhilifyo Soomaali ah.

Sida ay noo sheegeen dadka deegaanka xalay saqdii dhexe ayay ciidamada huwanta ah diyaarada kusoo degeen duleedka degmada Awdheegle kadibna iyagoo lugeynaya ayay qaab Infenteri ah ku galeen magaalada balse mar qura ayay xabaddu meel walba uga bilaabatay.


Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan oo katirsan Al Shabaab ayaa la sheegay in ay si adag uga hor tageen weerarka ay maleeshiyaadka Bangaraafta iyo ciidamada Mareykanka ku qaadeen degmada Awdheegle, dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada hawanta ah lagu qasbay in ay ka baqa cararaan magaalada.

Diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ayaa dhowr gantaal ku riday degmada Awdhgeele balse lamasoo sheegin wax khasaara ah oo ka dhashay duqeyntaasi cadowtooyo,  saaka markii uu waagu baryay ayaa goobihii lagu dagaallamay lagu arkay raadad muujinayay khasaara gaaray ciidamada cadowga ah sida dhiig ku daadsanaa goobta iyo faashado dhiig leh oo ay ka carareen.

Sida muuqata xoogaga Al Shabaab oo lasocday dhaq dhaqaaqa ciidamada Americanka ayaa dabin adag u dhigay huwanta taas oo keentay in khasaare lixaad leh uu kasoo gaaro dagaalka ayna ku fashilmaan qorshihii ujeedka weerarkooda.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ay ciidamo American iyo Soomaali ah weerar ku qaadaan degmada Awdhgeele oo kamid ah degmooyinka gobolka Sh/Hoose ee shareecada islaamka lagu mamaamulo waxaana xusid mudan in dhammaan isku dayadaasi guul darro kusoo idlaadeen.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items