Q.Midoobay Oo Dowladda Federaalka ku eedaysay in Nicholas Haysom ay u adeegsatay Eray Khalad ah!

Saturday January 05, 2019 - 10:16:21 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Q.Midoobay Oo Dowladda Federaalka ku eedaysay in Nicholas Haysom ay u adeegsatay Eray Khalad ah!

    Waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa ku dhawaaqday in ay ka xuntahay warkii dhawaan kasoo baxay dowladda Federaalka ee ahaa in aanay jeclayn sii joogista Nicholas Haysom,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa ku dhawaaqday in ay ka xuntahay warkii dhawaan kasoo baxay dowladda Federaalka ee ahaa in aanay jeclayn sii joogista Nicholas Haysom,

Warsaxaafadeed uu ku saxiixnaa ku xigeenka Afhayeenka Antonio Guterres ayaa lagu sheegay in xoghayaha guud ee Q.Midoobay uu ka walaacsanyahay warkii kasoo yeeray dowladda Federaalka.

"xog-hayaha guud wuxu kalsooni buuxda ku qabaa Haysom, oo ah qof ka mid ah shaqaalaha caalamiga ah ee Qaramada Midoobay islamarkaana leh khibrad lana ixtiraamo, kaas oo ka soo dhalaalay xilal badan oo hogaamineed oo heer sare ah oo uu ka soo qabtay xarunta guud ee Qaramada Midoobay iyo meelo kale oo dunida ahba,qof aan dalka laga rabin, waa qaraar aan khusaynin, isla markaana aan lagu qaadi karin shaqaalaha Qaramada Midoobay, Sida ku cad Axdiga Xidhiidhka Diblomaasiyadda Vienna 1961, qodobkaasi waa mid u gaar ah dan jirayaasha ay dawladi mid kale u dirato ee xidhiidhka laba geesoodka ah. Qaramada Midoobay ma aha dawlad, shaqaalaheeduna ma ah diblomaasiyiin dawladi tu kale u diratay waxay hoos tagaan Xog-hayaha guud" ayaa lagu yiri bayaanka.


Sidoo kale xoghayaha guud ee Q,Midoobay wuxuu sheegay in dhowaan ay soo magacaabi doonaan Ergay cusub iyagoo eegaya danta ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya.

"xog hayaha guud ay ka go'antahay in baahida dadka Soomaaliya ay tahay waxa ay Qaramada Midoobay mudnaanta koobad siiso. Isla markaana UNSOM u baahantahay in ay sida ugu haboon u gudato waajibaadkeeda ah taageerada dalka. Sidaa awgeed, Xog-hayuhu waxa uu doonayaa in uu dhawaan wakiil gaar ah u soo magacaabo Soomaaliya, kaaso oo isla markaana noqon doona madaxa UNSOM".


Isha Tarjamada: BBC Soomaali

Related Items