Daawo Video: Cabdi Fataax Geeseey Oo Farmaajo Ku Eedeeyay in uu Xasuuq ka geystay magaalada Baydhabo.

Saturday January 05, 2019 - 11:27:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Cabdi Fataax Geeseey Oo Farmaajo Ku Eedeeyay in uu Xasuuq ka geystay magaalada Baydhabo.

    Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa markale ee eedeymo kulul ujeediyay Max'med Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre oo bilihii lasoo dhaafay cadaadis siyaasadeed wajahayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa markale ee eedeymo kulul ujeediyay Max'med Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre oo bilihii lasoo dhaafay cadaadis siyaasadeed wajahayay.

Cabdi Fataax Geeseey oo bishii lasoo dhaafay iska casilay xilka wasiirka howllaha guud ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu mas'uul ka ahaa shacabkii lagu xasuuqay magaalada Baydhabo xilligii laqabanayay Mukhtaar Rooboow.

Geeseey ayaa sheegay in awood xad dhaaf ah loo adeegsaday howlgalkii magaalada Baydhabo oo uu ku sifeeyay xasuuq.

"Farmaajo waa diiday dastuurka lagu doortay diintii waa diiday, waxaa u nimid sidii ay dadka isku difaaci lahaayeen, dad nool ayaa la dilay, dad ayaa la dhaawacay, dad ayaa la afduubtay, waxaas oo dhan Madaxweyne Farmaajo ayaa adduun iyo aakhiro la weydiinayaa”ayuu yiri Xildhibaan C/fataax Geesey oo ka hadlayay Baydhabo.


Xildhibaankan ayaa si gaar ah Farmaajo dusha usaariyay mas'uuliyadda wixii dhacay wuxuuna sheegay in uu jebiyay dastuurka dowladda Federaalka "Farmaajo dastuur iyo diin waa diiday waa in shacabka Soomaalida iska qabtaan" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Cabdi Fataax Geeseey ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta taariikhda baalka madoow kagalay kadib markii uu kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ku qabsaday magaalooyin katirsan gobollada Bay iyo Bakool o ay kamid tahay magaalada Baydhabo sanaddii 2012.

Halkan ka degso Cabdi Fataax Geeseey oo eedeynaya Farmaajo ama hoos ka daawo


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items