Al Shabaab Oo Weerartay Saldhigyo kuyaal Waqooyiga Muqdisho iyo Sarkaal lagu dilay Degmada Hodon.

Saturday January 05, 2019 - 11:38:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerartay Saldhigyo kuyaal Waqooyiga Muqdisho iyo Sarkaal lagu dilay Degmada Hodon.

    Maamulka degmada Huriwaa ugu magacaaban dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay in weeraro xooggan xalay ay lakulmeen saldhigyo ciidan oo gudaha degmadaasi kuyaalla.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka degmada Huriwaa ugu magacaaban dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay in weeraro xooggan xalay ay lakulmeen saldhigyo ciidan oo gudaha degmadaasi kuyaalla.

Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weeraro ku qaaday saldhiyo ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Dagaallo fool ka fool ah ayaa muddo 30 daqiiqa ah ka socday saldhigyada ciidamada dowladda ee halka loo yaqaan  biya degeenka Suuqa xoolaha, xoogaga Al Shabaab ayaa Garneello u adeegsaday dagaalkii xalay waxaana qeybo badan oo katirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa laga maqlayay jugta madaafiicda iyo rasaas lays dhaafsanayay.


Dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa xalay sarkaal sare oo katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku dilay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ismaaciil Axmed Suleymaan kaasi oo ku dhintay isla goobta uu weerarka ka dhacay kadib markii ay xoogag hubeysan rasaasta kala heleen qeybaha sare ee jirkiisa.

Sarkaalkan la dilay ayaa ka mid ahaa saraakiisha dhanka Ammaanka ee garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho waxaana mas’uuliyadda dilkiisa sheegatay Xarakada  Alshabaab.

Dilka sarkaalkan wuxuu kusoo aadayaa xilli shalay ay xoogaga Al Shabaab isla magaalada Muqdisho ku dileen taliyihii ciidamada Booliska degmada Wardhiigley kadib howlgal ay ka fuliyeen agagaarka saldhiga Wardhiigley.


Related Items