Qaraxyo Khasaara dhaliyay Oo Ciidamo lagula Beegsaday Hiiraan iyo Jubbada Hoose.

Saturday January 05, 2019 - 21:00:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Khasaara dhaliyay Oo Ciidamo lagula Beegsaday Hiiraan iyo Jubbada Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay HirShabelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay HirShabelle.

Qarax maanta duhurkii ka dhacay inta udhaxaysa deegaannada Kalabeyrka iyo Jiracle ayaa sababay burbur gaaray gaari Cabdi bile ah waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamadii la socday.

Dhinaca kale qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo ayaa sababay dhaawaca ugu yaraan 4 askari.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaar kamid ah ciidamada dhaawacmay ay xaaladooda caafimaad aad uliidato, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadii maanta ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items