Cabdi Wali Gaas oo loo badinayo in looga adkaado Doorashooyinka Madaxtinimada Maamulka 'Puntland'.

Sunday January 06, 2019 - 10:28:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Wali Gaas oo loo badinayo in looga adkaado Doorashooyinka Madaxtinimada Maamulka 'Puntland'.

    Isbedello si xowlli ah ku socda oo dhanka siyaasadda ayaa lagasoo sheegayaa gobollada dhaca waqooyi bari dalka Soomaaliya ee uu ka jiro maamulka isku magacaabay Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbedello si xowlli ah ku socda oo dhanka siyaasadda ayaa lagasoo sheegayaa gobollada dhaca waqooyi bari dalka Soomaaliya ee uu ka jiro maamulka isku magacaabay Puntland.


Doorasho ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa looga adkaaday musharixiin katirsanaa madaxtooyada maamulka 'Puntland',

guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulkaas waxaa majaraha uqabtay nin si weyn ugasoo horjeedo siyaasadda maamul ee Cabdi Wali Gaas.

Nin lagu magacaabo Abwaan Cabdi Rashiid Yuusuf Jibriil oo ah lataliyaha iyo gacan yaraha Gaas ayaa guuldarro kala kulmay in uu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka isagoo meteleyay madaxtooyada Garowe, arrinta xusidda mudan ayaa ah in uu helay 6 cod oo kaliya.


Siyaasiyiin ku sugan magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ayaa tallaabadan ku fasiray mid xoojinaysa in isbedel dhanka maamulka ah uu ka dhici doono Garoowe sababtoo ah inta badan xildhibaannada cusub ee maamulka Puntland yeeshay ayaa mucaaradsan Cabdi Wali Gaas.

Dhinaca kale illaa 6 musharrax oo kulan ku yeeshay xarunta gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay in ay isaga hareen doorashada ayna codkooda siin doonaan qaar kamid ah musharrixiinta sida aadka ah kagasoo horjeeda Cabdi Wali Gaas.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items