Dhageyso: Beelaha Magaalada Bu'aale Oo Ka Jawaabay Duullaanka Axmed Madoobe Iclaamiyay.

Sunday January 06, 2019 - 12:48:38 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Beelaha Magaalada Bu'aale Oo Ka Jawaabay Duullaanka Axmed Madoobe Iclaamiyay.

    Qaar kamid ah qabaa'ilka reer Bu'aale ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal maalmahan kasoo baxayay hoggaamiyaha maamulka Jubbaland, Axmad Madiibe hadalkaas oo ahaa in uu qabsanayo magaalada Bu'aale oo caasimad u ah gobolka Jubbada Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir xilli habeen ah laga qaaday Bu'aale
Qaar kamid ah qabaa'ilka reer Bu'aale ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal maalmahan kasoo baxayay hoggaamiyaha maamulka Jubbaland, Axmad Madiibe hadalkaas oo ahaa in uu qabsanayo magaalada Bu'aale oo caasimad u ah gobolka Jubbada Dhexe.


Qabaa’ilka Bu’aale oo ka reystay isdilkii, isu amar ku taaglayntii, qabyaaladdii iyo muqaadaraadkii kuna tallaabsaday horumar iyo ammaan ayaa warka Axmad Madoobe u arkay mid cadawtooyo, waxayna sheegeen in ay gacan adag kala hor tagi doonaan kuna dhigi doonaan dhib uusan kasoo waaqsan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay  Bu’aale kula kulmay Qabaa’ilka Bartire iyo Cawlyahan waxaana la isku afgartay in si wada jir ah looga hor tago malleyshiyada Axmad Madoobe. Waxaa jira qabaa’il kale oo iyagana kulamo qorsheynaya. Sidoo kale beesha Ajuuraan oo kamid ah beelaha dega Bu’aale ayaa waxay jaaliyaddeeda Kenya qaadatay kulan ay uga soo hor jeedo hadalka Axmad Madoobe.



Arrimahan oo dhan waxaad uga bogan kartaan oo aad ka dhageysan kartaan Linkiga hoose

Halkan ka degso ama hoos ka dhageyso


Related Items