Q.Midoobay oo sababa ammaan Shaqaalaheeda uga Mamnuucday in ay Usafraan Muqdisho.

Monday January 07, 2019 - 10:03:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Q.Midoobay oo sababa ammaan Shaqaalaheeda uga Mamnuucday in ay Usafraan Muqdisho.

    Wali waxaa taagan qoob gariirka dhanka amniga ah ee shisheeyaha duullaanka ku jooga dalka soomaaliya uu ka qaaday weerar ay guutada madaafiicda Al Shabaab ay ku qaadday xerada Xalane ee magaalada muqdisho oo ah halka ay ku yaallaan xarunta Q.Midoobay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wali waxaa taagan qoob gariirka dhanka amniga ah ee shisheeyaha duullaanka ku jooga dalka soomaaliya uu ka qaaday weerar ay guutada madaafiicda Al Shabaab ay ku qaadday xerada Xalane ee magaalada muqdisho oo ah halka ay ku yaallaan xarunta Q.Midoobay iyo ciidamada Midowga Afrika ee duullaanka ku jooga soomaaliya.


War kasoo baxay  ayaa lagu sheegay in shaqaalaha aan muhiimka aheyn aysan tagi karin Soomaaliya "QM waxay xadideysaa joogitaanka shaqaalaheeda ee Soomaaliya ka dib duqeyntii 01-dii bishan january lagu beegsaday xaruntooda Muqdisho taas sida ay sheegeen looga dhaawacay saddex ka mid ah mas'uuliyiintooda ka howlgala xafiiskooda Muqdisho".

Saraakiil ka tirsan QM oo maalintii shaley ee Axadda aheyd lagu waday in ay u soo safraan Soomaaliya ayaa lagu amray in ay ku hakadaan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya  si looga feejignaado waxyeello kasoo gaarta weerar hor leh oo uga yimaad Al Shabaab.


Waxay sheegeen magaalada Muqdisho aysan amaan ahayn, xafiiskooda uu wajahayo qatar dhan walba ah, ogeysiis si hoose loogu diray shaqaalaha QM ayaa lagu sheegay warkan. waxay sheegeen in go'aankan loo qaatay iyadoo la sameynayo talaabooyin ka hortag ah oo lagu ilaalinayo amniga shaqaalahooda Muqdisho.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ismariwaa uu ka dhax taaganyahay dowladda Farmaajo iyo Q.Midoobe wuxuuna ku saabsanyahay Ergaygii hore ee shaqada laga joojiyay kaas oo lagu eedeeyay in uu faragelin siyaasadeed ku sameeyay Villa Somalia.

Related Items