Ciidamo katirsan Dowladda oo Markale ku dagaallamay Magaalada Jowhar.

Monday January 07, 2019 - 21:39:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo katirsan Dowladda oo Markale ku dagaallamay Magaalada Jowhar.

    Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in iska hor'imaad khasaara dhaliyay uu halkaas ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in iska hor'imaad khasaara dhaliyay uu halkaas ku dhaxmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka.

Iska hor'imaad muddo daqiiqad ah socday balse saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo socodka ayaa dhaxmaray ciidamo kawada tirsan melleteriga maamulka Hirshabelle.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dagaallamay ay isku qabteen Maandooriyaha khaatka oo xilligaas kasoo degay garoonka diyaaradaha macmalka magaalada jowhar.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dhaawacyada laba askari ladhigay isbitaalka Inter SOS waxaana duleedka magaalada ubaxay qeyb kamid ah ciidamada dagaalka halkaas oo ay is aruursi ka wadaan.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items