Doorashada Madaxweynaha Maamulka 'Puntland' Oo Garoowe Ka bilaabatay.

Tuesday January 08, 2019 - 10:26:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Madaxweynaha Maamulka 'Puntland' Oo Garoowe Ka bilaabatay.

    Bandaw habeennimo ayay xalay ku waabariisatay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal oo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed kajiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bandaw habeennimo ayay xalay ku waabariisatay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal oo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed kajiraan.

Kumanaan katirsan ciidamada maamulka 'Puntland' ayaa isku gedaamay waddooyinka waaweyn ee magaalada waxayna dadka udiidayeen in ay banaanka ugasoo baxaan guryahooda.

Bandowgan ayaa lagu sheegay in lagu adkeynayo ammaanka magaalada oo maanta ay ka dhacayso doorashada hoggaamiyaha cusub ee madaxda unoqon doona maamulka Puntland isku magacaabay.

Wariyaal Garoowe ku sugan ayaa soo sheegay in doorashada madaxweynanimada ay bilaabatay maanta barqadii dadka wax dooranaya ayaa ah tobanaan xildhibaan oo guri laysku geeyay waxayna lacago laaluush ah ka aruursadeen 21 xildhibaan oo ay codadkooda ukala beeqaamin doonaan.


Siyaasiyiinta dabadhilifyada ah ee ugu cad cad doorashada waxaa kamid ah Maxamuud Khaliif Jebiye, Saciid Cabdullaahi Deni, C/weli Maxamed Cali Gaas, Faarax Cali Shire iyo Asad Cismaan Diyaano.

Lama oga midka noqon doono hoggaamiyaha cusub ee maamulka Puntland waxaana jira cadaadis dhanka siyaasadda ah oo maamulka Garowe uu kala kulmayo dhanka dowladda Federaalka.

Related Items