Al Shabaab Oo Guddoomiye Waaxeed ku Dishay Degmada Wardhiigleey.

Tuesday January 08, 2019 - 10:50:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Guddoomiye Waaxeed ku Dishay Degmada Wardhiigleey.

    Weeraro hubeysan oo dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Weeraro hubeysan oo dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka ka imaanaya degmada Wardhiigleey ayaa sheegaya in xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ay gudaha degmadaas ku khaarijiyeen mid kamida mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in toogasho lagu dilay Abuukar Ibraahim oo kamid ahaa mas'uuliyiinta maamulka Wardhiigleey, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka sida ay baahisay idaacadda Andalus.

Jimcihii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Al Shabaab ay sidaan oo kale degmada Wardhiigley ugu dishay taliyihii booliska degmada.

Dhinaca kale weerar hubeysan ayaa xalay fiidkii lagu qaaday saldhig ay ciidamada Nabad sugidda dowladda Federaalka uga suganyihiin deegaanka Siinka dheer ee duleedka galbeed magaalada Muqdisho

Related Items