Saciid Cabdullaahi Dani oo Noqday Madaxweynaha Cusub ee maamulka 'Puntland'.

Tuesday January 08, 2019 - 12:28:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saciid Cabdullaahi Dani oo Noqday Madaxweynaha Cusub ee maamulka 'Puntland'.

    Waxaa goordhow soo gaba gaboobay doorashadii madaxtinimada maamulka isku magacaabay Puntland ee saaka ka bilaabatay magaalada Garoowe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goordhow soo gaba gaboobay doorashadii madaxtinimada maamulka isku magacaabay Puntland ee saaka ka bilaabatay magaalada Garoowe.

Musharraxa Saciid Cabdullaahi Dani ayaa kusoo baxay doorashadii maanta dhacday kadib markii ay wareegga sedaxaad isugusoo baxeen Jeneraal Asad Diyaano taliyihii hore ee ciidamada sirdoonka maamulka Puntland.

Hoggaamiyaha cusub ee maamulka Garowe ayaa horay usoo noqday wasiirka qorsheynta dowladda Federaalka sidoo kale wuxuu soo noqday xildhibaan katirsan baarlamaanka, dhanka siyaasadda ayay isku dhowaayeen Xasan Sheekh Maxamuud.

Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garoowe waxaa looga adkaaday Cabdi Wali Gaas oo ah hoggaamiyaha waqtigiisu dhammaaday sidoo kale waxaa kaalimaha hore ka galay Asad Diyaano oo ah Jaasuus xiriir laleh dowladda Mareykanka horayna usoo noqday taliyaha maleeshiyaadka Ashahaadda ladirirka PIS-ta.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items