2 Askari oo Lagu dilay Weerarka ka dhacay Agagaarka Ex.Control Afgooye.

Wednesday January 09, 2019 - 09:59:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2 Askari oo Lagu dilay Weerarka ka dhacay Agagaarka Ex.Control Afgooye.

    Xoogag hubeysan ayaa saaka askar katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dilay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa saaka askar katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dilay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.

Wararka ka imaanaya xaafadda Ex.control Afgooye ee degmada Hodon ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay 2 askari oo katirsan ciidamadad dowladda, goob joogayaal ayaa sheegay in xoogag hubeysan ay askarta dileen kadibna ay goobta si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkan askarta lagu dilay sida ay baahisay Idaacadda islaamiga Andalus.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items