Ciidamo Tababar loo geeyay Wadanka Canada Oo Magengelyo siyaasadeed dalbaday.

Wednesday January 09, 2019 - 11:57:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Tababar loo geeyay Wadanka Canada Oo Magengelyo siyaasadeed dalbaday.

    Xilli ay xoogaga ka dagaallamaya wadanka Maali sare uqaadeen camaliyaadka jihaadiga ah oo ay ku beegsanayaan ciidamada dowladaha dabadhilifyada mandiqadda saaxilka iyo kuwa dowladda faransiiska ayay soo baxayaan warar sheegaya in ciidamada qaar ay fu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ay xoogaga ka dagaallamaya wadanka Maali sare uqaadeen camaliyaadka jihaadiga ah oo ay ku beegsanayaan ciidamada dowladaha dabadhilifyada mandiqadda saaxilka iyo kuwa dowladda faransiiska ayay soo baxayaan warar sheegaya in ciidamada qaar ay furimaha dagaalka mandiqadda isaga firxanayaan.


Boqolaal askari oo katirsan kuwa xukuumadda dabadhilifka Maali ayaa lagu la'yahay wadanka Kanada ee dhaca waqooyiga qaaradda America kadib markii halkaas loo geeyay tababar melleteri si ay ula dagaallamaan muslimiinta kunool waqooyiga Maali.

Dowladda kanada ayaa ku dhawaaqday in ciidamo gaaraya 200 oo askari ay ka dhuunteen xeryihii lagu tababarayay ayna dalbadeen magangelyo siyaasadeed.

Ciidamadan ayaa loo carbinayay ladagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada balse waxay diideen in wadankooda dib loogu celiyo, shabakadda Sahra Media ee laga leeyahay wadanka muritaaniya ayaa sheegtay in ciidamadu ay ku dhuunteen gudaha kanada.



Warbaahinta maxallliga wadanka Kanada waxay sheegtay in ciidamadan ay ahaayeen kuwa ilaaliya madaxtooyada una tababaran ka hortagga weerarada jihaadiga ah ay cagaha wax ka dayeen.

Xukuumadda Maali ayaa maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta ka qarinaysay khabarkan balse mar dambe ayaa la ogaaday in dhammaan ciidamadu ay baxsadeen oo gudaha wadanka Kanada ay ku dhax dhuumanayaan.

wargeyska "The Star Canada" oo soo xiganaya saraakiisha laamaha socdaalka ayaa sheegay in 80 kamid ah ciidamada Maali waraaqaha ay ku codsanayaan magangelyo siyaasadeed ay ugudbisteen dowladda kanada waxayna ku andacoodeen in ay ka sheeganayaan dhibaatooyin ay kala kulmeen dagaallada gaar ahaan weerarada uga imaanaya ciidamada Jamaacada ugargaaridda islaamka iyo muslimiinta ayna khatar gelayso noloshooda haddii ay dib ugu laabtaan wadankooda.

Askartan isdhiibtay ayaa dowladda Kanada usheegay in naftoodu khatar ugu jirto weeraro uga yimaada jihaadiyiinta ku xiran Ururka Alqaacidda, arrintan ayaa fadeexad ku ah xukuumadda taagta daran ee kajirta wadanka maali ee dhaca galbeedka qaaradda Afrika.

Related Items