Madaxweynaha Maamulka 'Puntland' oo sheegay in uu sii Jiri doono Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada.

Wednesday January 09, 2019 - 21:59:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka 'Puntland' oo sheegay in uu sii Jiri doono Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada.

    Hoggaamiyaha cusub ee maamulka isku magacaabay Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu sii jiri doono isbaheysiga maamul goboleedyada ee mucaaradka ku ah dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha cusub ee maamulka isku magacaabay Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu sii jiri doono isbaheysiga maamul goboleedyada ee mucaaradka ku ah dowladda Federaalka.
Saciid Cabdullaahi Dani oo shalay loo doortay in shanta sano ee soo socota uu hoggaamiyo maamulka fadhigiisu yahay magaalada Garowe ayaa wareysi uu siiyay BBC-da wuxuu ku sheegay in golaha Ishaashiga maamul goboleedyada uu yahay mid waafaqsan dastuurja dowladda Federaalka isagoo muujiyay in maamulkiisu kasii mid ahaan doono.

Cabdi Wali Gaas madaxweynihii hore ee maamulka Puntland ayaa kamid ahaa mas'uuliyiinta ugu cad cad golaha ishaashiga maamul goboleedyada oo xiriirkii wadashaqeyneed ujaray dowladda Federaalka.


Axmed Madoobe oo kamid ah siyaasiyiinta sida aadka ah ugasoo horjeedo xukuumadda Kheyre ayaa noqday siyaasigii ugu horreeyay ee hambalyo udira Saciid Cabdullaahi Dani saacado kadib markii ladoortay.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items